Kuuriyada Waqooyi oo digniin culus u jeedisay Mareykanka

Kuuriyada Waqooyi ayaa war culus oo ay saaka soo saartay waxay ku eedeysay Mareykanka inuu kordhinayo gargaarka milatari ee uu siiyo xulafadiisa, taasoo ay ku tilmaantay isku day uu ku xoojinayo saameyntiisa, laakiin gargaarka hubku uusan ahayn mid ku filan inuu badbaadiyo Kuuriyada Koonfureed oo wajahaysa khasaare istiraatiiji ah.

Eedeyntan ayaa timid kadib markii Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ee Mareykanka ay dhawaan shaacisay qorshe lagu iibinayo hub loo dhoofinayo Kuuriyada Koonfureed, hubkaasi oo ay ka mid yihiin gantaallada hawada sare ee guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaan BQM-177A iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee GQM-163, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay.

“Maraykanka, oo ah ganacsadaha ugu weyn ee dagaalka adduunka, wuxuu ka welwelsan yahay sidii uu u fulin lahaa qorshihiisa ku saabsan iibinta hubka ee waddamada xulafadiisa ah,” ayaa lagu yiri faallo ay baahisay wakaaladda wararka ee Waqooyiga Kuuriya ee KCNA, iyadoo xustay in iibinta hubka ee Kuuriyada Koonfureed ay noqotay mid sii xoogeysanaysa oo joogto ah.

Wakaaladda KCNA ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gargaarka milatari ee Mareykanka uu siinayo Kuuriyada Koonfureed uu ka tarjumayo isku dayga Mareykanka ee ah inuu burburiyo isu dheelitirka awoodda gobolka, isla markaana uu xoojiyo awood sheegashadiisa.

Hadalkan ayaa yimid xilli Kuuriyada Waqooyi ay muddo dheer dhaliilaysay iskaashiga milatari ee u dhaxeeya Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay dhoolatusyada milatari ee labada dal inay yihiin qorshe la isku diyaarinayo duullaan ka dhan ah dhulkeeda, iyagoo u isticmaalaya marmarsiiyo ah in ay difaacayaan xasilloonida gobolka.

Pyongyang waxay todobaadkii hore ku gooddisay inay sii wadayso falcelinta aadka u xoogan oo ka dhan ah Washington, inta ay sii wado diidmada ay ka diidan tahay madaxbannaanida iyo danaha amni ee Kuuriyada Waqooyi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed