Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Bakool ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen). Howlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ceel-boon iyo Buurdhuxunle, waxaana fuliyay ururka 95-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xuseen Macallin Xasan wuxuu kooxda Alshabaab ka tirsanaa muddo ka badan 15 sano, isagoo door weyn ku lahaa sida hadalka loo dhigay abaabulka falalka argagixisada ee ka dhacay gobollo badan oo dalka ah.
“Dilkiisu wuxuu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta Alshabaab iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka” ayaa lagu yiri warka gaashaandhigga.
Intii uu ka ka midka ahaa kooxda, Magaalabeen wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin: Madaxa howlgelinta dagaalka ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, Madaxa dhaqaale aruurinta balse dowladda Soomaaliya ugu yeerto “baadda xoolaha” ee gobolka Bakool, Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada labada Shabeelle iyo Hiiraan, ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee qeybta dacwada iyo faafinta fikradaha kooxd.
Magaalabeen ayaa lagu eedeeyay inuu maskax ahaan iyo abaabul ahaanba ka danbeeyay sida hadalka loo dhigay dagaallo badan oo lagu qaaday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.
Sidoo kale, dhigista iyo qorsheynta miinooyin badan oo lagu waxyeelleeyay sida hadalka loo dhigay shacabka Soomaaliyeed, abaabulka weerarro qorsheysan oo kooxda ku beegsatay dad rayid ah iyo ciidamo dowladeed.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dilka Magaalabeen uu caddeynayo sida ay dowladda ugu go’an tahay sida hadalka loo dhigay in la cirib tiro kooxda Alshabaab, loona xaqiijiyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku tilmaamay howlgalka mid wiiqaya awoodda Alshabaab ee gobollada dalka, iyadoo lagu bartilmaameedsanayo horjoogeyaasha kooxda meel kasta oo ay ku dhuumanayaan.
Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu ahaa horjooge sare oo muddo dheer ka tirsanaa Alshabaab, xilal kala duwan ka soo qabtay gudaha kooxda, isla markaana lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay falal badan. Dilkiisa ayaa loo arkaa guul istiraatiiji ah oo ciidamada Soomaaliya ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV