In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay dalka Hindiya saddexdii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo kuleyl daran uu ka jiro qeybo ka mid ah dalkaasi. Ilaa 33 qof ayaa ku dhintay gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalkaasi dhamaadkii isbuucaan kadib kulaylka.
Gobolka Odisha (Orissa), qiyaastii 20 qof ayaa ku dhintay kuleyl dartiis, sarkaal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee ANI. Qaar badan oo ka mid ah dhimashadan ayaa la soo sheegay 1-dii Juunyo iyadoo Hindiya ay u codeysay wejigii ugu dambeeyay ee doorashadeeda guud.
Wasaaradda caafimaadka ee federaalku waxay sheegtay in ugu yaraan 56 la xaqiijiyey dhimashada kulaylku ay dhaceen March 1 ilaa May 30. Ilaa 24,849 xaaladood oo kuleyl ah ayaa la soo sheegay muddadaas.
HBN NEWS DESK