Kulankii Golaha shacabka Soomaaliya oo baaqday iyo digniino culus oo loo diray xildhibaannadii ka maqnaa fadhiga

Kulankii caadiga ahaa ee maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dib u dhacay, kadib markii uusan buuxsamin kooramkii looga baahnaa in fadhigu ku furmo. Kulankan ayaa lagu waday in lagu ansixiyo heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, oo horay u maray akhrintiisa koowaad iyo labaad.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi (Nuux), ayaa sheegay in kulanka uu baaqday maadaama aysan soo xaadirin tiradii xildhibaannada ee looga baahan yahay in kulanku ku furmo. Wuxuu tilmaamay in kulanka xiga uu qabsoomi doono maalinta Isniinta ah.

Nuux ayaa sidoo kale ka digay maqnaanshaha soo noqnoqda ee xildhibaannada, isaga oo sheegay in wixii hadda ka dambeeya lala xisaabtami doono kuwa aan kasoo qaybgalin fadhiyada baarlamaanka, isla markaana magacyadooda la yeerin doono sida uu dhigayo xeer hoosaadka golaha.

Baaqashada kulanka maanta ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka taagan tahay dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

Fadhiyo hore oo Baarlamaanka lahaa ayaa isna marar badan u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, taas oo dhalisay digniino isdaba joog ah oo kasoo baxay guddoonka golaha. Baarlamaanka ayaa hadda wajahaya shaqooyin culus oo ay ugu weyn tahay ansixinta shuruucda doorashooyinka ee dalka lagu hagi doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed