Waxaa maanta oo Arbaco ah baaqday kulankii labaad ee Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka JFS, balse waxyaabaha kulanka baajiyey ayaa ah kooram la’aan, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur uu rajo xumo ka muujiyay maqnaanshaha Xildhibaano badan oo aan wax qiil ah u keeneyn soo xaadiritaankooda.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tilmaamay muhiimadda ay mudanayaashu u leeyihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, isaga oo carabka ku adkeeyay in mudanayaasha soo xaadiray ay ahaayeen 108 xildhibaan, tiro intaasi ka badanne ay magaalada muqdisho jooggaan, ayna arrimo muhiimka ah horyaallaan golaha.
“Waxaa ceeb ah in mudanayaasha golaha shacabka ay ka baaqdaan kulanka, taasi waa mid niyad jab nagu ah, kulanka maanta wuxuu u baaqday kooram la’aan” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Waxa uu kula dar daarmay Xildhibaanada maqan in ay soo xaadiraan fadhiyada danbe, isaga oo ku nuux-nuux saday waajibaadkii loo dhaariyay in ay tahay in si hufan u matalaan shacabka. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay dayaceen mas’uuliyadii loo igmaday, isla markaana ay ka boodaan fadhiyada muhiimka ah, taasi oo meesha ka saaraysa habraaca sharci dajinta iyo ixtiraam la’aanta Xildhibaanada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Baarlamaanka ay soo wajahaan arrimo la xiriira in uu baaqdo ka qayb gal la’aan xildhibaanada ah. Intii uu socday Kalfadhiga Afaraad, waxaa dhacday xaalad la mid ah midaan oo kale, taasi oo keentay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka digo in Xildhibaanada Fasax la’aanta ku sii maqnaada ay la kulmi doonaan tallaabooyin isla xisaabtan ah.
Ballanqaadka hubinta in xildhibaannadu ka soo qaybgalaan fadhiyada ayaa loo arkaa mid muhiim u ah habsami u socodka shaqo ee dawladda.
Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in baaqooda isla xisaabtanka ay ujeedadoodu tahay in dhammaan Xildhibaanada ay doorkooda si dhab ah u qaataan oo ay si firfircoon uga qeyb qaataan howlaha sharci dejinta.
HBN ONLINE TV