Kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo lagu Ansixinayo Dastuurka Dalka oo Furmay

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado in lagu ansixiyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 36 senator oo Aqalka Sare ah taasi oo ka dhigan ku Kooromku dhan yahay, uuna gaarayo 222 mudane, iyadoo shirka guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Ajendaha ugu weyn ee kulanka maanta ayaa ah meel-marinta qodobbo ka mid ah wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah. Ilo ku dhow baarlamaanka ayaa sheegaya in haddii mudanayaashu ansixiyaan qodobada la horgeeyay, uu dalka si rasmi ah u yeelan doono dastuur dhammaystiran laga bilaabo maanta wixii ka dambeeya.

Hannaanka dhammaystirka dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay hareeyay doodo iyo khilaaf siyaasadeed. Xildhibaanno ka kala tirsan labada Aqal ayaa muujiyay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qaabka loo marayo iyo waqtiga lagu ansixinayo wax-ka-beddelka.

Qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad uga hor yimid dhammaystirka dastuurka xilligan, ayna labada maamulba ku jiraan, iyagoo ku baaqay in la helo wada-tashi ballaaran iyo is-afgarad siyaasadeed ka hor inta aan la meel marin qodobada la soo jeediyay.

Kulanka maanta ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama uu go’aankiisa saameyn ku yeelan karo jihada siyaasadeed iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Isha ku hay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed