Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo Koorom la’aan u baaqday, halka xilidhibaannada lagu eedeeyey dayaacad iyo safaro micno aan lahayn

Kulankii maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmi waayay sababo la xiriira kooram la’aan. Inkasta oo qaar ka mid ah xildhibaannadu ay soo xaadireen, haddana tiradii loo baahnaa si kulanku u furmo lama buuxin, taas oo sababtay in fadhigii maanta uu baaqdo.

Guddoomiyaha labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa sheegay in kulanka maanta lagu waday in akhrinta koowaad la marsiiyo warbixinta sannadlaha ah ee xisaab xirka dowladda. Wuxuu xildhibaannada xasuusiyay in waajibaadkooda ugu weyn uu yahay ka soo qeybgalka kulamada iyo gudashada shaqooyinka qaran ee loo igmaday.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku dhaliilay xildhibaannada aan soo xaadirin in ay dayaceen shaqadii baarlamaanka, isagoo ku baaqay in ay muujiyaan xilkasnimo, ayna si joogto ah uga soo qayb galaan fadhiyada. Wuxuu intaa ku daray in aanay habboonayn in xildhibaannadu safarro ku tagaan gobollada xilli ay socdaan howsha baarlamaanka, marka laga reebo xaalado gaar ah oo doorasho ama fasax rasmi ah.

Fadhiyada Baarlamaanka Federaalka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada. Maanta waxaa la filayay in xildhibaannadu ka doodaan ajendayaal muhiim ah oo la xiriira howlaha dowladda, hase yeeshee fashilka kulanka ayaa imaanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakiran tahay, iyadoo weli khilaaf uu ka taagan yahay arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed