Kulan maanta ka dhacay xarunta taliska Wasaaaradda Gaashaandhigga oo u dhexeeyey Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda ayaa loo hadlay si la sheegay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Kooxda Alshasbaab iyo ammaanka dalka.
Madaxtooyada Soomaaliya Bayaan ka soo baxay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka dhageystay hoggaanka Ciidamada warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
“Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta” ayaa lagu warka Villa Soomaaliya.
Sida oo kale, Madaxweynaha ayaa la carrabaabay inuu ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku, kuwaa oo dagaal kula jira Alshabaab.
Kulankan gaarka ah ee Albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamda Xoogga dalka iyo ku xigeenkisa, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda & Wasiiru dowladda wasaaradda Gaashaandhigga. Waxaa kale oo kulanka joogay saraakiil kale.
HBN ONLINE TV