Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa is-waydaarsi iyo wadatashi la xiriira Arrimaha dimuqraadiyeynta maamulka Puntland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka wada shaqaynta doorashooyinka seddexda degmo Garowe, Godobjiraan iyo Dangarayo iyo dhamaystirka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee kala ah Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoomiyay wasiirkaha arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Faarax Saciid Juxa.
Intii shirku socday waxaa la is dhaafsaday dood wax ku ool ah oo u dhaxaysay madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgashay, taas oo daaranayd muhiimadda ay leedahay in isku bog laga ahaado dhammaan Arrimaha hortabinta u leh Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland.
Masuuliyiintii matalayey Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee shirka ka soo qaybgalay ayaa soo jeediyey doorkooda ku aadan geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo meelaha u baahan in si guud looga wada shaqeeyo si loo yareeyo khilaafaadka iyada oo la dabakhayo casharadii laga bartay Doorashadii iyo Fariisinta 33-dii Degmo ee laga qabtay barnaamijka hal qof iyo hal Cod.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa oo shirka soo xiray ayaa hoosta ka xariiqay soo jeedintii iyo taladii Xisbiyada Siyaasadda ee ku aadanaa geedi socodka dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Puntland, waxa uuna masuuliyiinta Xisbiyada kula dardarmaay in si wada jira looga wada shaqeeyo arrimaha Doorashooyinka si loo dhamaystitro himiladii iyo balantii lalagalay shacabka Reer Puntland.
Xisbiyada Siyaasadda ee shirka ka soo qaybgalay ayaa kala ahaa Xisbiga Mustaqbal, Xisbiga Mideeye, Xisbiga Sincad, Xisbiga Runcad, Xisbiga Ifiye iyo Xisbiga Shaqaalaha.
HBN NEWS DESK