Kulan muhiim ah oo looga hadlay arrimo kala duwan oo khuseya maamulka Puntland oo maanta ka dhacay magaalada Garowe

Kulankan oo looga hadlayay arrimo kala duwan ee khuseeya xaaladda maamulka Puntland, ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Golaha Wasiirada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrima la xiriira, Amniga, Xaaladda Xabsiyada,  cudurada faafa sida shuban-biyoodka, dhagaysiga ka warbixinta heerka diyaar garow ee Guddiga Saamaynta Roobabka iyo todobaadka dhireynta Puntland.

Dood iyo falaaqayn ka dib waxaa la isku raacay dardargelinta howlahaas in kor loo qaado, isla markaana hannaan wax ku ool ah looga shaqeeyo, iyada oo la soo jeediyay in sare loo qaado u kuur galida xaaladaha kala duwan ee maamulkaas, si gaar waxaa dooduhu ku qatomeen arrimaha ammaanka deegaannada Puntland, waxyeelada roobabka si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed