Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyin dagaalka Al shabaab iyo arrimo kale oo dhexmaray madaxda Galmudug iyo Qaramada Midoobay

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirrada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafiga la socday Catriona Lainga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo khuseya xaaladda dalka, dib-u-dhiska dowladninada, kor u qaadida hannaanka wadashaqeyn iyo wadajir.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen amniga iyo la dagaallanka Al shababaab, arrimaha doorashooyinka iyo qaaybentooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Talaadada soo aaddan inuu Muqdisho ka dhaco kulan culus oo ay iskugu imaanayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulada dalka, kaasoo diirada lagu saarayo arrimo kala duwan oo la xariira masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed