Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kula shiray Guddiyada Amniga iyo Horumarinta, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta amniga, daryeelka adeegyada bulshada, iyo kor u qaadista isku duubnida hay’adaha amniga ee gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa kulanka ka sheegay in Puntland ay wado qorshe ballaaran oo lagu dhimayo qiimaha korontada iyo biyaha ee magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo ka qaalisan magaalooyinka kale ee dalka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in hoos u dhigidda qiimaha adeegyadaasi ay qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Kulanka amniga kaddib, Madaxweyne Deni iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray dhismaha cusub ee xarunta Taliska Booliska Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso. Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, oo warbixin ka siiyay xaaladda amniga gobolka iyo shaqada booliska.
Madaxweyne Deni ayaa booqday qeybaha kala duwan ee xarunta cusub, oo hadda la dhameystiray, isagoo ku bogaadiyay ciidamada booliska dadaalka ay ku bixiyeen ilaalinta amniga iyo sugidda kala dambeynta bulshada.
Kormeerkan iyo kulanka amniga ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka Puntland ee lagu xoojinayo amniga, la dagaallanka dambiyada, iyo horumarinta kaabayaasha adeegyada amni ee gobolka Bari.
HBN ONLINE TV