Kulan looga hadlay dagaalka Alshabaab oo ka dhacay Moqokori Hiiraan

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka NISA Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan lagu Dardargelinayo Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab waxaa uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Gobolka Hiiraan, waxaana inta kulanka socday lagu lafa-guray qaabka dib qabasashada meelaha ay ku sugan yihiin kooxda iyo arimaha amniga.

Kulanka oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa lagu falanqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo guulo waa weyn oo ka dhan ah dagaal Alshabaab.

Maalmihii la soo dhaafay dagaallo xooggan oo ka dhan ah Alshabaab ayaa ka dhacay xuduudka Goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe, kuwaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hirshabeelle ayaa sheegtay in dad badan ku dhinteen.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay dowladda soomaliya sheegayso in ay dardargalinayso guluf ka dhan ah Alshabaab, xili Dowladda Maraykanka ay carrabaabay in duqeyn ka dhacday Mubaax bartamaha bishaan in lagu tiro badan oo Alshabaab, ayna sii wadi doonaan dagaalka socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed