Kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka socda Hoteelada ku yaal magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale kulamao caynkaasi ay ka dhaceen guryaha ay deggan yihiin siyaasiyiinta.
Ilo wareedyo kala duwan oo ay HBN heshay ayaa waxay sheegayaan in kulamadan intooda badan ay wadaan xildhibaanada mucaaradka ku ah Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha, kuwaasi oo dhawaan ku dhaliilay xukuumada waa sida hadalka ay u dhigeene “inay noqotay fadhiid” oo ay ku guuldaraystay fulinta iyo meel marinta waxyaabihii waajibkeeda uu ahaa.
Kulamadan ay leeyihiin xildhibaanada ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo dhawaan xildhibaanada xukuumada ka soo horjeeda ay la kulmeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyagoo kala hadlay sidii loo kala saari lahaa wax ay ugu yeereen isku milanka xukuumada & Baarlamanka, sida ay sheegayaan xogo aynu ka helnay dad kulankaasi ka qayb galay.
Sidoo kale arintan ayaa ku soo aadaysaa iyadoo shalay uu u baaqday kulankii aqalka hoose uu yeelan lahaa kooram la’aan.
HBN Online TV