Mukhtaar Maxamed Xasan (Jayte), oo ahaa Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka, ahaana La-taliyaha Sare ee Amniga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay isaga ku sugan Garoowe in si rasmi ah uu isaga casilay xilkii uu hayay.
Mukhtaar ayaa sheegay in go’aankiisa uu la xiriiro xaaladaha ka taagnaa magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, gaar ahaan qaabka ay dowladdu u wajahday sida uu hadalka u dhigay arrimaha dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
“Waa iska casilay xilkaasi, markaan u fiirsaday wixii Xamar ka socda maalmihii la soo dhaafay iyo qaabka dowladdu u wajahday dastuurka iyo qaabka dowlad-dhiska,” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku saabsan is-casilaadda mas’uulkan.
HBN ONLINE TV

