Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo lagu gaarsiiyey khasaare dhimasho iyo mid saad, xili lala kaashaday saaxiibo caalami ah.
Howlgalka 1-aad ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow oo lagu bartilmaameedsaday xarun ay kooxda u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa. Intii uu howlgalka socday, waxaa la gubay sida la tilmaamay 6 matoor oo waa-weyn, kuwaas oo muhiim u ahaa howlaha qaraxyada, iyadoo sidoo kale lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa horjooge lagu magacaabo Abiikar Nuur, oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa makaanik muhiim u ahaa farsameynta gaadiidka qaraxyada.
Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla gobolka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay dhul kayn ah. 3 xubnood ayaa lagu dilay weerarkaasi, halka maleeshiyaadkii kale lagu kala eryay goobta, taas oo si weyn u wiiqday sida hadalka loo dhigay abaabulkooda.
NISA ayaa tilmaantay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Hay’addaha amnigu ay ku doonayaan in lagu burburiyo awoodda Alshabaab, laguna yareeyo khatarta ay ku hayaan amniga dalka.
HBN ONLINE TV

