Ku dhawaad40-kun arday oo saaka u fadhiistay imtixaanka Dugsiga Sare ee Qaranka

Waxaa saaka si rasmi ah Soomaaliya uga bilaabmay Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiga sare, kaas oo ay u fadhiisteen 39,397 arday oo ku kala sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, marka laga reebo maamulada Puntland iyo Somaliland.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, ardayda sanadkan imtixaanka u fariisatay ayaa ka kooban 23,000 wiilal ah iyo 16,300 gabdho ah. Imtixaanka ayaa la qabtay iyadoo la adkeeyay amniga iyo kormeerka guud ahaan xarumaha imtixaanka, si looga hortago wax is-daba marin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, ayaa sheegtay in sanadkan dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamka imtixaanka, si kor loogu qaado hufnaanta, kalsoonida iyo tayadiisa.

Waxay intaa ku dartay in imtixaanku si habsami leh uga socdo magaalooyin ay ka mid yihiin Warshiikh, Ceeldheer, Buurhakaba, Laascaanood iyo Buuhoodle.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu baaqday ardayda Soomaaliyeed in ay si kalsooni leh u wajahaan imtixaanka, iyagoo ku tiirsan dadaalkii ay sameeyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed