Roobab culus oo xalay ku dhuftay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare ballaaran oo naf iyo hantiyeed, iyada oo daadad xooggan ay burburiyeen wadooyin muhiim ah iyo kaabayaal kale oo magaalada ku yaalla. Wasaaradda Biyaha Soomaaliya ayaa sheegtay in 115mm oo roob ah uu ku da’ay Muqdisho muddo siddeed saacadood gudahood ah, taas oo keentay daadad degdeg ah oo magaalada wada gaarey.
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyey khasaaraha ka dhashaya ayaa sheegay in 7 ruux ay ku dhinteen iyo burburka Guryo iyo wadooyin, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in roobabkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa aan caadi ahayn, islamarkaana ay yihiin kuwii ugu xooganaa ee magaalada ka da’ muddo ku dhow 36 sano, ka dib markii sanadkii 1989-kii ay sidaan oo kale roobab xooggan uga da’een caasimadda.
Khubaro ku takhasustay qorsheynta magaalooyinka iyo nidaamka bullaacadaha ayaa tilmaamay in burburka baaxadda leh uu sabab u aheyn roobka culus, balse uu siddoo kale uu dayac ka jiray kaabeyaasha magaalada. Waxay sheegeen in biyo mareennada ay ahaayeen kuwo xiran, wadooyinka si liidata loo dhisay, iyo dhismooyin sharci-darro ah oo ka dhacay hareeraha wadooyinka ay sabab u noqdeen waxyeelada ba’an.
Dhacdadani waxay dhalisay falcelin siyaasadeed. Siyaasiyiin mucaarad ah iyo taageerayaashooda ayaa dhaliil culus u jeediyay dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ku eedeeyay dayacaad iyo qorshe la’aan.
Inkasta oo falalka noocan ah loo arko masiibooyin dabiici ah, hadana falanqeeyayaal ayaa aaminsan in ka hortagga waxyeelada la xiriirta ay u baahan tahay horumar waara oo lagu sameeyo kaabeyaasha, isla markaana lala yimaado daahfurnaan iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.
Ugu dambeyn, waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo dowladda si loo sameeyo maalgelin dheer oo lagu dhisayo kaabayaal adkeysi u leh isbedelka cimilada iyo roobabka aan la saadaalin karin ee si joogto ah uga dhaca Soomaaliya.
HBN ONLINE TV