Ku dhawaad 400 boqol oo Golaha deegaanka Muqdisho ah oo la dhaariyay

390 xubnood oo ah Golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho, kadib xaflad si heer sare ay soo agaasintay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo doorashadu ku soo aadeyso ku dhawaad 60 sano oo dal aanay ka dhicin doorasho qof iyo cod ah.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddiga Doorashooyinka iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey tallaabadan muhiimka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in dhowaan la soo saari doono jadwalka doorashooyinka deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo noqon doona doorashooyin isku xiran oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka iyo xubnaha Golaha Wakiillada.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa tilmaamay in dhaarintan ay tahay mid taariikhi ah, maadaama ay timid kadib doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay muddo 57 sano ah oo lagu qabto Muqdisho, inkastoo hanaankaasi ay dhaliilo ka muujiyeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah hirgelinta nidaamka dowladaha hoose, xoojinta matalaadda shacabka iyo dib u soo celinta dimuqraadiyadda dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed