Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal labadii cisho la soo dhaafay ka socday inta u dhaxeysa deegaannada Qorilugud iyo Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kaas oo u dhaxeeya maleeshiyad hubaysan oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC Khaatumo.
Inta la xaqiijiyay waxa dad ku dhintay ay kor u dhaafeysaa 25 ruux, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo u badan dhinacyada dagaalamay ayaa sida oo kale la soo wariyey in ay ku jiraan rayid ah.
Dagaalka ayaa salka ku haya dagaaladii hore ee dhexmaray Somaliland & SSC Khaatumo sidoo kale wuxuu ku saleysan yahay muran dhul oo u dhaxeeya qabaa’il ku abtirsada maamuladaasi oo halkaasi in muddo colaad ku dhexmari jirtay.
Labada dhinac oo kala qabsaday maxaabiis intii uu socday dagaalka, ayaa kala sheegtay guullo, inkastoo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.
Somaliland ayaa dagaalkaan ku eedeysay in ay ka dambeyso sida hadalka ay u dhigtay Dowladda Federaalka ah, u jeedkiisuna yahay in lagu carqaladeeyo doorashada dhaceysa 13-ka bishaan November. Weli wax war kama ka soo bixin dhanka Dowladda Federaalka oo ay uga warcelineyso eedahaas uga yimid dhinaca Somaliland.
Muqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa xaqiijinaya Ciidamada SSC-Khaatumo oo jooga jiida dagaalku socda, kuwaa oo sheegaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin, taasi oo ay baahisay warbaahinta loo xagliyo in ganac-saar ay la leedahay maamulka.
Wasiiirka warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo war ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in farisiimo hore ee maamulka ay dagaal ku soo qaadeen ciidamada Somaliland.
HBN ONLINE TV

