Ku dhawaad 30 Alshabaab ah oo NISA ku dishay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanayey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay ku dhawaad 30 Maleeshiyaad Alshabaab ah, halka tiro intaa ka badanne lagu dhaawacay.

NISA ayaa sheegtay in ilaa 27 ka tirsan Alshabaab la dilay, tiro 30 ka badanna lagu dhaawacay, ka dib howlgal ay iska kaashadeen cidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, iyo ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo laga fuliyay deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo lagu tilmaamay mid sifeyn ah ayaa NISA sheegtay in weli uu ka socdo deegaaankaas, isaga oo bartilmaameedku yahay xubnaha Alshabaaab ee aan ka tanaasulin sida hadalka loo dhigay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn NISA ayaa ku wargelisay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Alshabaab oo mar kasta sida carrabaabay bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed