War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay bartamaha dalka lagu dilay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan Kooxda Alshabaab, kaasi oo sida hadalka ay u dhigtay ay ka caawiyeen saaxiibada Caalamka ah.
Hawlgalka koowaad oo ay tilamaantay in uu socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta degmada Ruunirgood, halkaas oo ay sheegtay DFS in isku diyaarinayeen xubno Alshabaab ah, iyada oo lagu dilay ilaa iyo 14 xubnood.
Kan labaad ayaa dowladdu sheegtay in lagu beegsaday goobo ay ku tilmaantay in isbaaro u ahayd oo ay doonayeen in ay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana howlgalkaasi ay u sheegatay in lagu dilay 5 xubnood.
DFS ayaa Sida oo kale guul ka sheegatay in howlgaladaasi lagu burburiyay gaadiid dagaal oo kooxda ay lahaayeen, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.
Dowladda Soomaaliya oo hadda heysata diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee wax duqeeya ayaa sheegtay in ay laba jibaari doonto howlgalada ka dhan ah ee Kooxda Alshabaab, iyada oo tilmaantay in ay ka go’antahay sii wadidiisa.
HBN ONLINE TV

