Ku dhawaad 20 xubnood Alshabaab oo DFS sheegtay in lagu dilay Hiiraan & Shabeellaha dhexe

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa sheegtay in howlgal wadajir ah oo ay la fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 16 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa garabka warbaahinta kooxda.

Qoraal ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgaladu ka dhaceen deegaannada Miirtaqwo ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo kooxo ay hay’addu sheegtay inay ku xirnaayeen Al-Shabaab.

Sida ay NISA sheegtay, howlgalka ka dhacay Miirtaqwo waxaa lagu burburiyay xarun ay kooxda ugu yeerto “Security House”, taas oo la sheegay inay ahayd goob lagu kaydin jiray qalabka idaacadda Al-Andalus ee kooxda u adeegsato faafinta dacaayaddeeda.

“Waxaa la burburiyay qalabkii ay u adeegsanayeen marin-habaabinta bulshada,” ayay NISA ku tiri bayaankeeda.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay Cabdi Samad Maxamed oo lagu tilmaamay madaxii waaxda dacaayadda Al-Andalus, iyo Cali Salaad oo ka tirsanaa isla garabka warbaahinta, halka xubin kale oo kooxda ka tirsan uu dhaawac culus soo gaaray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed