Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa faah-faahin ka bixisay dhacdo murugo leh oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo ku tahriibayay badda u dhexeysa Spain iyo Algeria. Warbixinta waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin, oo sheegay in 12 ka mid ah ay ahaayeen wiilal halka 5 kalena ay ahaayeen gabdho, da’dooduna u dhaxeysay 18 ilaa 30 sano.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hay’addu ay hayso sawirrada dadka dhintay, isla markaana ay wadaan dadaallo dheeri ah si loo helo macluumaad buuxa. Wuxuu ugu baaqay waalidiinta dhalinyaradaas inay la soo xiriiraan hay’adda si loo xaqiijiyo tirada iyo xogta rasmiga ah ee dhibbanayaasha.
Sidoo kale, wuxuu digniin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay inay ka fiirsadaan halista tahriibka, maadaama ay sii kordhayaan dadka ku dhimanaya safarrada badda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tahriibku yahay mid khatar badan oo keeni kara khasaare naf iyo maalba leh.
Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa halista safarrada tahriibka ee Badda Mediterranean-ka, iyo baahida loo qabo xal waara oo lagu joojinayo.
Todobaadkii hore, dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hay’addaha ka shaqeeya arimaha Tahriibka, ayna welhiso xukuumadda Tripoli ayaa dalkaasi Liibiya ka soo celisay 174 dhalin yaro ah oo dhibaatooyin adag kala kulmay Magafayaasha sida sharci darada ah lacagaha kaga sameeya dadka muhaajiriinta ah.
HBN ONLINE TV

