Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay tiro kale oo dhalinyaro ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, kuwaa oo tiradooda ay ku dhaweyd 150, lagana soo kala dejiyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
37 ka mida dhallinyaradan ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, halka 108-da kale iyagane laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,iyada oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dhalinyaradan tacadiyo loogu soo geystay intii xabsiyada ay ku jireen ee dalka Liibiya.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dalka dib ugu soo celiso cid walba oo duruuf adag kala kulanta tahriibka ,maanta waxaan soo dhoweynay dhallinyaro aan ka keenay dalka Liibiya.” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Isxaaq Maxamuud Mursal.
Sidoo kale, Dhallinyarada laga soo dejiyey Muqdisho ee goobjoogga u ahaa tacadiyada xabsiyada magafayaasha ayaa sheegay in dhibaatooyin adag ay kala soo kulmeen xabsiyada lagu haayey, ka dib markii qaarkood sheegeen inay ku waayeen jidka dhexe saaxiibo iyo in dhibaatooyin adag ku wajaheen gudala Liibiya.
Tacadiyada loo geysto dadka Soomaaliyeed ayaa dowladda Federaalka ah waxay kala hadashay Madaxda Liibiya, ka dib markii uu soo baxay heshiis dabayaaqadii bishii Febraayo ee sanadkaan oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga soocelinta muwaadiniinta.
Dhamaadka sanadkii hore, Tahriibiyaal u badan dhalin yaro Soomaaliyeed oo gaaraya ku dhawaad 150 ruux ayaa dib loogu soo celiyey dalka 18-kii bishii December, kuwaa oo laga soo daayey gacanta kooxaha Magafayaasha Liibiya. Dadka la soo celshay markaasi ayaa 30 ka mid ah laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 117-da kale la keenay Muqdisho.
HBN ONLINE TV