Ciidamada Danab ee ka tirsan kuwo Xoogga Soomaaliya ayaa la sheegay in howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Baay in lagu dilay tiro ku dhow 15 xubnood oo Alshabaab ahaa, kadib markii la beegsaday goob ay ku sugnaayeen.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in intii uu howlgalka uu ka socday deegaanka Buula Fulaay ay ciidamada Danab ku dileen 14 xubnood oo Maleeshiyaad Alshabaab ah, iyada oo la burburiyay goobihii ay ku sugnaayeen kooxda la beegsaday.
Sidoo kale, Howlgalkan ayaa la tilmaamay in uu ahaa mid ka qeyb ah howlgallada milatariga Soomaaliya ay ka wadaan deegaanno ka tirsan dalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Alshabaab, laguna xoojiyo amniga iyo xasilloonida deegaanada ay ka socdaan howlgallada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ujeeddada howlgalladan ay tahay in laga ciribtiro sida ay hadalka u dhigtay Alshabaab, lana xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hanaqaada guud ahaan dalka.
HBN ONLINE TV

