Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay weerarka qaraxa ku bilowday ee xalay ka dhacay xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in dad rayid ah oo ku dhawaad 100 ruux ah, in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu kasoo gaaray.
Inta la xaqiijiyey 32 qof ayaa ku dhimatay, halka 63 kale ay ku dhaawacmeen, weerar ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in nolosha lagu qabtay mid kamid ah Ragga weerarkaas abaabulay oo dhaawac ah halka ay fashiliyeen Gaari waday walxaha qarxa oo aanay qarxin sida uu hadalka u dhigay Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.
“Qaraxa Liido ka dhacay waxaa ugu yaraan ku geeriyooday 32 qof waxaana ku dhaawacmay Dad gaaraya ilaa 63 ruux oo Shacab ah, Gaari walxaha qarxa waday oo Ciidanku fashiliyeen waxaa lagu qabtay Khawaarijkii waday isaga oo dhaawac ah” Ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed.
Baraha Bulshada waxaa lasoo dhigayaa Sawirrada iyo macluumaadka Dadka ku dhintay & kuwa dhaawacmay weerarkii saacadaha badan socday ee ku billowday Qaraxa uu fuliyay qof la sheegay in uu watay walxaha qarxa ee Dhaliyay khasaarahaas badan.
HBN ONLINE TV

