Ku dhawaad 100 Alshabaab ajaniib ku jirtay oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay dagala ka dhacay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal culus oo qorshaysan ka fuliyay deegaanka Baay Burjeed oo 15-km u jirta magaalada Baydhabo, kaasi dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray in ka badan 90 xubnood Alshabaab.

Ina ka badan 35 xubnood oo Alshabaab ah ayaa dowaldda Federaalka Soomaaliya (DFS) sheegtay in lagu dilay howlgal sirdoon, waxaana ka mid ahaa sida lagu tilmaamay bayaan ka soo baxay DFS horjooge ajaaniib ah oo watay maleeshiyo badan.

Howlgalka oo ku salaysnaa sida la sheegay xog sirdoon oo dhameystiran ayaa bayaanka dowaldda lagu carrabaabay in uu sababay dhaawaca ku dhawaad 60 xubnood oo kale, iyadoo laga hortagay sida hadlaka loo dhigay weerarro ay Alshabaab qorsheynayeen in lagu beegsado shacabka deegaanka.

Waxay dowladdu sheegtay in dagaalka maanta jab culus lagu gaarsiiyay Alshabaab, iyadoo lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay ciidamada Qaranka iyo shacabka Koonfur Galbeed in la ciribtiro kooxda.

Dagaalka maanta ayaa ku soo aadaya xili todobaadkan ay Ciidamada xoogga iyo Alshabaab ay isku wajeheen gobollada Baay iyo Shabeellaha dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed