Ku dhawaad 10 xubnood Alshabaab oo looga dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha dhexe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab, ka dib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya aqoonsan tahay ee Macawisley fariisin kooxdu laheyd deegaan kulaala aagga Ciid-Ciidka hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe.

Xubnaha lagu dilay howlgalkan gaarka ah ayaa saraakiil Ciidamada Macawislayda warbaahinta u sheegeen inay gaarayeen ku dhawaad 10 xubnood, iyada oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.

Sidoo kale, xubnaha la dilay ayaa warbaahinta afka Ciidamada dowladda ku hadasha ay sheegtay in laga furtay hub qoryo iyo agab kale.

“Saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa warbaahinta ciidamadda u sheegay in howlgalka lagu dilay toddobo dhagar-qabe oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, lagana soo furtay lix qori, mooto Fekon iyo agab kale” ayaa lagu yiri warka.

Dhanka kale, warbixinta ayaa lagu carrabaabay in Howlgalkan uu qeyb ka ahaa dadaallada ay ciidamada deegaanka iyo xoogga dalka wadaan, si loo sugo sida hadalka loo dhigay “nabadgelyada deegaannada hoos yimaada Mahadaay, iyadoo la beegsanayo xubnaha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya gobolka”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed