Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhintay daadad xooggan oo ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed

Toddobo qof ayaa ku dhintay dalka Kuuriyada Koonfureed kaddib markii daadad xooggan ay ku xannibmeen 15 baabuur oo ku jiray tunnel-ka. Samatabbixiyeyaasha ayaa toddobo meyd ah ka helay marinka hoose ee Osong iyaga oo u tafa-xaytay sidii u bad baadi lahaayeen  dadka ay ku xayiran yihiin daadad ka dhashay roobab xooggan oo maalmo socday.

Shaqaalaha gurmadka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa 7 mayd ka soo saaray bas ku go’doonsan godka dhulka hoostiisa mara ee daadadku maraan, sida ay sheegtay warbaahintu, iyadoo roobab mahiigaan ah oo maalmo socday ay sababeen daadad baahsan, dhul go’ iyo buux dhaafka biyo-xireenno waa weyn.

Saraakiil ku sugan bartamaha magaalada Osong ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Yonhap in shaqaalaha samatabbixintu ay lix meyd oo kale ka soo saareen tunnel-ka dhererkiisu yahay 685 mitir  iyagoo u xoogga saaray sidii ay u gaari lahaayeen dhowr qof oo weli ku go’doonsan goobta.

Ku dhawaad ​​400 oo shaqaale samatabbixin ah, oo ay ku jiraan quusayaal, ayaa baarayay tunnel-ka bartamaha magaalada Cheongju, halkaas oo baabuurta oo uu ku jiro bas ay daad ku qaadeen fiidnimadii Sabtida, Seo Jeong-il, oo ah madaxa waaxda dab-damiska ee magaalada, ayaa arrintaas faah faahin ka bixiyay.

Sawirro iyo muuqaal laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya shaqaalaha samatabbixinta oo sameeynaya meel wareeg ah oo biyaha ka soo saaraya tunnel-ka iyadoo quusayaasha ay isticmaaleen doomo caag ah si ay u soo galaan ugana baxaan aagga biya-xireenka.

15 baabuur oo ku jiro bas iyo 12 baabuur ayaa ku go’doonsanaa tunnel-ka, waxaana la sheegay in Sabtidii la la’yahay 11 qof.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed