Ku dhawaad 10 Daacish ah oo ku dhintay weeerar is miidaamin ku bilowday oo saaka ku qaadeen Ciidamada Puntland

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal khasaare kala duwan dhaliyey oo saaka ku dhexmaray deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.

Dagaalka saaka oo la sheegay in uu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa kooxdu la beegsatay fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland deegaanka.

Waxaa la soo wariyey qaraxa ka dib in uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad lug ah oo ka danbeeyey baabuurka.

Saraakiil ciidan oo ku sugan furinta hore ayaa warbaahinta gudaha Puntland u sheegay dhamaan sida hadalka loo dhigay kooxdii weerarka soo qaaday ay dagaalka ku dhinteen, iyada oo muuqaalo goobta la helay ay muujinayaan burbur baahsan oo goobta la qarxiyey soo gaaray.

Sida oo kale Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa sheegay inay dileen 8 xubin oo u dhashay dalal shisheeye oo ka mid ah maleeshiyaadka weearka soo qaaday, isaga oo tilmaamay in hub badan ay ka furteen.

” Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8 xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka la gaarsiiyey Argagixisada Daacish.” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka ciidanka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa todobaadyadii ugu dambeyey waday guluf ka dhan ah kooxaha loogu yeero Argagixisada ee ka dalaama buuraha gobolka Bari, halkaa oo sida la tuhunsan yahay u noqontay saldhigooda ugu weyn ee Soomaaliya.

Weerarka saaka lagu soo qaaday Ciidamada Puntland ayaa noqonaya bilow suurtgal ka dhigi kara inay wajahaan kooxda Daacish oo la sheego inay u dagaalamaan ajaaniibta ugu badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed