Kooxo hubeysan oo Muqdisho dil iyo dhaawac ka geystay

Faahfaahin ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir maanta ku weerartay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Daarusalaam Guure Maxamed Xirsi oo dhaawac soo gaaray, halka uu dhintay Wiil kale oo la sheegay in uu Ganacsade ahaa.

Wiilka dhintay ayaa la sheegay in uu deegaanka ku lahaa mid ka mid ah Goobaha lagu jimcisado (Gym), waxaana weerarkaan ku qaaday koox hubeysan.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo billaabay baaritaan la xiriira ka dabatagga falkaan, inkasta oo aanay jirin wax faah-faahin ah oo ka soo baxay.

Muqdisho bishii hore laamaha amniga ayaa ku qabtay degmooyin kala duwan xubno lala xariiriyey dilal loo geystay dad shacab oo lagu qasbay in goobahooda ganacsi ka furaan Kaamiroonka CCTV-ga loo yaqaan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed