Kooxo aan heybtooda la garan ayaa si arxan darro ah ugu dilay magaalada Jowhar nabadoon si weyn looga yaqaanay xarunta maamulka gobolka Sh/Dhexe, kadib markii ay la beegsadeen gaari uu la socday marxuumka.
Marxuumka la dilay oo ahaa nabadoon caan ka ahaa deegaanka ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cali Muudey, waxaana kooxo hubeysan ay si arxan darro ah ugu dileen deegaanka Casir Maal ee duleedka magaalada.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu la socday Gaari, waxaana Kooxdii hubeysneyd ay joojiyeen Gaariga oo ay ku amreen in uu istaago, waxaana ay rasaas ku fureen ilaa uu isla goobta ku geeriyooday.
Waxgaradka deegaanka ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay tilmaameen in marxuumka la dilay ay ahaayeen koox aan heybtooda la garaneyn. Waxa uu tilmaamay in la qabtay mid ka mid ah dableydii ka dambeysay dilka Nabadoonka, iyadoo weli uu socdo baadi goobka qaar kale.
Ciidamada ammaanka Hirshabeelle ayaa wali wada baaritaano ku aadan sababta ka dambeysay dilka Nabadoonka, waxa ayna balan qaadeen in baaritaano adag ay ku sameyn doonaan, si gacanta loogu soo dhigo dambiilayaasha kale ee ka dambeeyay dilka Nabadoonka.
Dilkan ayaa qeyb ka ah falalka amni darro ee ka dhaca gobolka Shabeelada Dhexe, kaasi oo inta badan la xiriira dagaal beeleedyo sababay in dad badan ay ku dhintaan.
HBN NEWS DESK