Kooxda Xuutiyiinta ayaa uga digtay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump wax kasta oo ka dhan ah Yemen inta uu xilka hayo.
“Danaha Mareykanka ee gobolka ayaa weli ah kuwa u nugul gantaalladayada iyo diyaaradaha aan ridno,” ayaa lagu yiri war ka soo yeeray kooxda reer Yemen.
Dhinaca kale Maxamed Cali Al Xuuti oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee kooxda Xuutiyiinta ee loo yaqaan Ansarallah ayaa fariin uu ku qoray barta X wuxuu ku yiri “Waad garanaysaan dadka Yemen, maantana aad ayaad u baran doontaa, maadaama ganataalladeenu ay gaari karaan danaha Mareykanka ee gobolka.
“Tallaaba kasta oo Mareykanku qaado ma dhibeyso dadka Yemen, ee waa ay sii xoojinaysaa howlgalladooda wayna sii kordhin doonaan, dadkan waxay sii wadayaan halganka ALLE dartiis” ayuu yiri.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri “Tallaabada uu Trump ku doonayo in uu ku sii wado dagaalka iyo in uu sii kordhiyo sida uu maanta yahay waxba nama yeelayo, waayo waan saxannahay, adiguna waad qaldan tihiin”.
Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November waxay wadeen weeraro ay ku qaadayeen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo kuwa ay leeyihiin Mareykanka & xulafadiisa, waxaana ay saameyn wayn ay ku keeneen dekadaha Israa’iil oo qaarkood shaqadoodii xirantay ama ay gaabis noqotay.
HBN Online TV