Warbixin lagu daabacay wargeyska Al_Naba oo si dhow ula socota howlgalada Daacish ayaa lagu sheegay in dagaalyahano xiriir la leh Daacish ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Puntland, waxaana lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah.
Daacish ayaa faah faahisay inay Alshabaab kala wareegeen degaano cusub oo ku yaal buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus isla markaana Al shabaab ku jabiyeen, sida ay sheegatay.
Daacish ayaa intaas raacisay in weerarkaas uu dhacay intii lagu jiray bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo dhamnmadka bishii Shacbaan, isla markaana ay ku furteen hub iyo rasaas kala duwan.
“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish.
Si kastaba dhowr ayey dagaallameen labadqa kooxood kuwaas oo mabda’ ahaan iska soo horjeedo, balse dagaalkaan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee dhexmara, dhanka kale majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ah kooxda Al shabaab oo ay kaga jawaabayaan sheegashada Daacish.
Weerarkan ayaa bog cusub u noqon doona dagaalka ka socda labada kooxood ee ee ku jira liiska argagixisada ah.
HBN NEWS DESK