Kooxda Daacish oo laga digay in ay markale dib isugu abaabusho, khatarna ku noqoto amniga gobolka

Warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Daraasaadka Dagaalka (Institute for the Study of War) ayaa ka digtay khatar dib u soo laabasho ah oo ka imaan karta kooxda Daacish ee Soomaaliya, inkastoo maamulka Puntland uu sheegay in kooxdaasi burbur ku dhowdahay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Daacish ay wali firfircoon tahay, wallow si weyn loo wiiqay, ayna weli khatar joogto ah ku tahay gobolka, gaar ahaan haddii cadaadiska lagu hayo lagu dhimo.

Machadku wuxuu iftiimiyay in haddii beesha caalamka iyo ciidamada gudaha aysan sii wadin culayska lagu hayo shabakadaha taageera Daacish – gaar ahaan kuwa maaliyadeed iyo saadka – ay suuragal tahay in kooxda si degdeg ah dib isugu abaabusho, taas oo horseedi karta halis hor leh oo amni.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in ciidamada Puntland ay la daalaa dhacayaan caqabado adag, oo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka xeebaha dhaadheer ee gobolka, ka hortagga firxad iyo dhaqdhaqaaqyo cusub oo Daacish ka fulin karto buuraha adag ee gobolka.

Waxaa la xusay in qorshe cad oo lagu xakameeyo kooxda muddo fog aanu jirin, taasina ay sii fogeyn karto suurtagalnimada in kooxda ay dib usoo rogaalceliso.

Puntland waxay sheegtay in ay kooxda Daacish ciidan ahaan burburisay, islamarkaana guulo ka gaartay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay togga Miraale, halkaas oo la rumeysan yahay in Daacish fariisin ku lahayd.

Inkastoo dagaalka socday lix bilood uu ahaa mid gaabis ah, haddana warbixintu waxay tilmaantay in loo arko istaraatiijiyad kooxda looga jarayo saadka cunto iyo hub, si ay u dhacaan dhaqaale ahaan.

Dhinaca kale, Puntland waxay mamnuucday dhammaan doomaha ka bixi kara ama tagi kara xeebaha u dhow goobaha ay kooxda ka dhuumaaleysanayso, waxaana doomaha tagaya lagu xiray ogolaansho gaar ah in laga rabo ama ruqsad.

Warbixintu waxay si cad u sheegaysaa in Daacish weli khatar tahay amniga gobolka, inkastoo la wiiqay, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka iyo Puntland in aysan is-dhimin cadaadiska si looga hortago dib-u-soo-noqoshada kooxda, taasoo haddii ay dhacdo halis ku ah xasilloonida guud ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed