Kooxda Chelsea oo wajaheysa baaritaanno culus isla markaana laga yaabo in ay la kulanto ganaaxyo iyo in dhibco laga jaro

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku socoto baaritaan ku aadan lacag sir ah oo la xiriirta soo wareegidii Willian iyo Samuel Eto’o.

Horyaalka Premier League ayaa hadda baaraya lacago sir ah oo ay Chelsea siisay shirkado kala  shaqeeyay xiddigahaan inta dhaxeysa 2012 iyo 2019.

Lacagtaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Todd Boehly  iyagoo doonaya inay kooxda ka iibsadaan Roman Abramovich sanadka 2022.

Ka dib markii ay dhamaystireen la wareegidda xidigahaan Chelsea ayaa ka warbixisay helitaankooda xiriirka kubada cagta, Premier League iyo UEFA.

Sida laga soo xigtay The Times, Premier League ayaa eegaya suuqa kala iibsiga ee Willian iyo Eto’o taasoo qayb ka ah baaritaankooda.

Chelsea ayaa Willian kula soo wareegtay 30 milyan ginni kooxda reer Russia ee Anzhi Makhachkala bishii August 2013, halka Eto’o uu beeca xorta ah kaga soo biiray isla kooxda maalin ka dib imaatinka Brazilian-ka.

Marka lagu daro khidmad kasta oo wareejin ah, diiwaannada maaliyadeed ayaa lagu soo waramayaa inay muujinayaan in lacag-bixinno kala duwan laga yaabo in la siiyay “hay’adaha Ruushka”.

Warbixintu waxa ay sheegtay in mid ka mid ah lacagta la sheegay in la siiyay qoyska ciyaaryahannada ay sidoo kale eegaan Premier League.

Inkasta oo xadgudub kasta oo dhacay   lagu eedeeyay milkiilihii xilligaas Abramovich, Chelsea ayaa wali wajihi karta ganaaxyo ay ku jiraan ganaaxyo culus iyo dhibco laga jaro.

Willian ayaa todobo sano ku qaatay Stamford Bridge, isagoo dhaliyay 63 gool 339 kulan oo uu saftay.

Eto’o ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay Galbeedka London, isagoo 12 jeer shabaqa soo taabtay 35 kulan oo uu saftay, ka hor inta uusan ku biirin kooxda kale ee Premier League ee Everton.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed