Kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Real Madrid oo dhabar jab kala kulmaya raacdada ay ugu jiraan Antonio Silva

Maamulaha Benfica Roger Schmidt ayaa ku adkeystay in Antonio Silva aan loo ogolaan doonin inuu ka tago kooxda reer Portugal inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

20-sano jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah daafacyada dhexe ee da’da yar ee ugu wanaagsan kubbada cagta adduunka, waxaana mustaqbalkiisa la hadal hayay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Manchester United ay u aqoonsatay bartilmaameedkooda ugu horeeya ee 2024, iyadoo Red Devils ay suurtogal tahay inay u ogolaato Raphael Varane inuu baxo sanadka soo socda.

Liverpool ayaa sidoo kale suuqa ugu jirta daafac dhexe oo kale, waxaana kooxda Jurgen Klopp la sheegay inay si weyn ula dhacsan yihiin xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal kaasoo hal gool u dhaliyay Benfica 23 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa ah laacib muddo dheer xiiseeya, Los Blancos ayaana ku fikiraysa inay u dhaqaaqdo daafac dhexe oo cusub bisha Janaayo sababtoo ah David Alaba oo dhawac soo gaaray.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed