“Koonfur Galbeed waxay si too ah xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed” KGS

Koonfur Galbeed oo jartay xiriirkii Dowladda Federaalka, eedeymo culusna u jeedisay
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya KGS ayaa shaaciyay inuu xariirka u jaray wadashaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, kadib war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, kaas oo uu ku dhaliilay faragelin uu sheegay inay dowladda dhexe ka waddo deegaannadiisa iyo hubeynta maleeshiyaad ku sugan.

War saxaafadeedka ay soo saartay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii maamulku uu ogaaday in DFS ay door ku leedahay sida uu hadalka u dhigay rabshadaha iyo xiisadaha ka taagan deegaannadooda. Waxa kale oo uu maamulka sheegay in ciidamo lagu soo daadgureeyay meelo kala duwan si loo huriyo dagaallo ka dhan ah Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay inay “si toos ah u goysay” wadashaqeyntii kala dhaxaysay dowladda dhexe, iyadoo sabab uga dhigtay waxa ay ku tilmaantay faragelin qaawan oo DFS ku hayso maamulka. Sidoo kale, maamulka ayaa xusay in dadaallo ay ku doonayeen xalinta arrintan aysan miro dhalin.

“Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si buuxda maanta u cadeynaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed DFS wadashaqeyntii ay lahaayeen si toos ah u goysay, iyada oo loo sababaynaayo faragalinta qaawan ee DFS ku soo qaaday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ” ayaa lagu yiri warka KGS oo uu warbaahinta u akhriyey afhayeen maamulka Xasan Cabdi Maxamed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa intaas ku daray in DFS ay abaabushay ciidamo iyo maleeshiyaad ku sugan gudaha deegaannadooda, isla markaana qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda ay ku lug leeyihiin arrimahaas. Waxa uu maamulka sheegay in hub iyo darees ciidan lagu qalabeeyay maleeshiyaad uu ku tilmaamay kuwo u eg Alshabaab, balse aan ahayn ciidan qaran ay u arkeen mid dhaawacaysa jiritaanka Koonfur Galbeed.

“Dowlada Koonfur Galbeed iyadoo ka duulaysa dhacdooyinkii maalmahaanba ka dhacaayey qeybo ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, haday tahay hubeynta maleeshiyaad aan la ogeyn waxa ay yihiin, markaan dhinac ka eegnana u eg Shabaab cusub in lagu beeraayo deegaanada koonfur Galbeed, Markaan aragnay in hubkii dowladda Federaalka

Soomaaliyeed lagu qalabaynaayo maleeshiyaad muqaal ahaanna shabaab u eg, aan ahayne ciidan qaran ee dowladeed, markaan aragnay labiskii ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee caanka ku ahaayeen in la soo daabulaayo lagu hubaynaayo maleeshiyaad midab ahaan Shabaab u eg, Dowladda Koonfur Galbeed waxay go’aansatay in faragalintan ay midnimada dadka reer Koonfur Galbeed iyo jiritaankooda dhaawacayso, waxay si too ah xiriirka ugu jartay wadashaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliyeed” ayuu yiri markale Afhayeen Xasan.

Ilaa hadda, DFS kama aysan hadlin eedeymahaas, iyadoo go’aanka Koonfur Galbeed uu kusoo beegmayo xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira deegaannada maamulkaasi, halkaas oo laga soo sheegayo dagaallo iyo abaabul ciidan oo sii xoogeysanaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed