Koonfur Galbeed oo xog ka bixisay khasaaraha weerarkii Baydhabo iyo qaraxyadii lagu weeraray

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa booqday maanta Xerada Boonkaay oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo uu saaka ka billowday dagaal xooggan, iyada oo la xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah uu ka dhashay.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baba oo ka hadlayay Xerada la weeraray ayaa sheegay in koox uu ku tilmaamay “Khawaarij” ay laba gaari iyo qof naftiisa halige ah ku qarxiyeen xeradan oo ciidamada dowladda ku sugnaayeen.
Wasiir Baba ayaa sheegay in xoogaga soo weeraray magaalada ay weerarkoodu ku soo aadiyeen abbaaro toban saac oo habeenimo, halka qaraxyada lagu dhuftay albaabka Xerada.

“Xalay abaaro afartii subaxnimo (4:00M) ama toban saac oo habeenimo waxaa magaalada Baydhabo weerar ku soo qaaday Khawarijta. Caadiyan, meelaha ay yimaadaan waxaa astaan u ah in lagu daah-furo baabuur qarxaysa & rag is qarxinaaya. Xeradaan Albaabkeeda waxaa lagu dhuftay qaraxyadii, dhamaan haraadihii qaraxyadii waa yaalaan” wasiir Baaba.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in tiro askar ah oo ka tirsanaa Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku sugnaa Xerada ay ku dhinteen dagaalka, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha la xaqiijiyey.

“Waxaan rabnaa inaan u tacsiyadeyno Askartii iyaga oo difaacaysa ku Shahiideen kuwo guuto 9-aad iyo guud ahaan askarta Ciidaanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo deegaanadoodii ka difaacaya Khawaarijtii soo weerartay” ayuu yiri markale.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in amniga Baydhabo uusan sidaan sii ahaan doonin, ayna wax ka qaban doonaan weerarada kaga imaanaya Alshabaab iyo xoogaga taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Cabdicasiis Laftagareen, kuwaa oo dagaallo hore oo qaraar magaalada ku soo qaaday, taasine ay sababtay in Askar, Saraakiil iyo dad rayid ah ku dhintaan.

“Mardhow waxaan rajaynaynaa in amniga magaalada Baydhabo sida hadda uu yahay uunan ahaan doonin, uuna sidii uu ahaan jiray iyo si ka fiican uu ahaan doono” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiir Baaba.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed