Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay deegaanka Dadumaay ee duleedka degmada Wanlaweyn, halkaas oo nin lagu dilay kadibna la gubay.
War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay mid ka dhan ah qiyamka bini’aadantinimo, nabadda, iyo wada noolaanshaha bulshada.
Maamulka ayaa caddeeyay inaysan marnaba aqbaleyn falal noocan oo kale ah oo carqaladeynaya amniga iyo xasilloonida shacabka, waxayna sheegtay in kooxaha ka dambeeya falalkaas ay yihiin cadowga nabadda iyo horumarka bulshada, isla markaana ay si dhab ah u wado baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay.
Warka maamulka ayaa intaas ku daray in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falkaasi la horgeyn doono cadaaladda, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu ballan qaaday in aan la aqbali doonin in dembiyada noocan ah ay ka baxsadaan sharciga.
Ugu dambeyntii, Koonfur Galbeed ayaa tacsi u dirtay ehellada iyo qoysaska dhibbanayaasha, waxayna ugu baaqday shacabka inay feejignaadaan, halka ay laamaha amniga ku amartay in ay xoojiyaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadda guud ee gobolka.
HBN ONLINE TV

