Koonfur Galbeed oo shaacisay khasaaraha weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii iyo dagaalkii xoogganaa ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo masuuliyiin ka tirsan maamulka ay booqdeen goobaha dagaalku ka billowday.

War saxaafadeed ka soo baxay caawa maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegtay in ciidamada ammaanka ay dileen in ka badan 40 dagaalamayaal oo waa sida warsaxafaadeedka lagu yiri lagu sheegay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, halka tiro kale lagu dhaawacay, lagana furtay hub iyo saanad ciidan.

Goor sii horeysay oo maanta ah, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baba oo ay wehliyaan masuuliyiin kale ayaa sheegay in Alshabaab ay weerarka ku billowday laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo qof is-miidaamiye ah ku weerareen albaabka Xerada Boonkaay oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxyada kaddib uu dagaal xooggan ka dhacay xerada iyo nawaaxigeeda, isagoo xaqiijiyay in askar ka tirsan Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku dhinteen dagaalka. Hase yeeshee, ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee askarta ku dhimatay.

Dhinaca kale, maamulka ayaa wacad ku maray inuu ka shaqaeyn doono sidii loo xoojin lahaa amniga Baydhabo, isagoo sheegay in magaalada aysan sii ahaan doonin xaaladda amni ee ay hadda ku jirto, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan weerarro ay ku eedeeyeen Alshabaab iyo xoogagga taageera madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Todobaadkii hore, Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Laftagareen ula dagaallami doonaan sida Alshabaab, kadib markii ay galkooda ku dareen waxay ugu yeereen “la midoobidda Khawaarij”, ayna khalkhal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Maamulka cusub ayaa sheegay in aan loo ogolaan doonin qof ama koox inay khalkhal geliyaan amniga Koonfur Galbeed, ayna qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa horey beeniyay inuu jiro xiriir u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada taabacsan ee ku sugan duleedka Baydhabo, isaga oo ujeeddada ku sheegay in ay tahay in dadka Koonfur Galbeed ka dulqaadaan waxa uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed