Koonfur Galbeed oo ku eedeysay DFS inay “duulaan cad iyo weerar” ku soo qaaday deegaannada ay maamulkooda

Khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, una dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waji kale galay, kadib markii xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay gaareen magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay, xilli  ay soo bexeen warar sheegaya in laga hor istaagay inay tagaan magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta halkaasi gaaray waxaa ka mid ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS Xasan Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Xasan Eelaay, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaas oo la filayo inay qaadaan tallaabooyin la xiriira xaaladda taagan.

Arrintan ayaa timid kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka faragelin iyo carqaladeyn ka dhan ah howlaha maamulka. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Haramcad laga dejiyay magaalada Baraawe, taas oo sii hurisay xiisadda.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Hassan Abduqadir Mohamed, ayaa sheegay in ciidamada la geeyay ay u arkaan “duulaan cad” oo lagu soo qaaday maamulka, laguna duminayo sida uu hadalka u dhigay maamulkooda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa maanta Baydahbo kulan degdeg ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka ee deegaanada maamulka, kaas oo diiradda lagu saaray eedeymaha faragelinta ee loo jeediyay Dowladda Federaalka.

War kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Lafta-gareen uu odayaasha la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee maamulka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta dastuurka, madax-bannaanida dowlad-goboleedka, iyo wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee ay qaadaan dhinacyada is haya.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed