Koonfur Galbeed oo kala dirtay maamulkii Xuddur oo maanta si cad u taageeray DFS

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta u kala diray maamulkii degmada Xuddur ee gobolka Bakool, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedkaas.

Bayaanka la soo saaray ayaa lagu sheegtay in go’aankan uu yimid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda maamulka degmada, taasoo lagu ogaaday, sida ay hadalka u dhigtay maamul xumo baahsan iyo cadaalad darro ka jirtay gudaha maamulka Xuddur.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka Maarso 2026, si buuxda loo kala diray dhammaan hoggaankii iyo maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

“Kadib markii uu si dhow u qiimeyey xaaladda maamulka Degmada Xuddur, īsla maarkaana uu arkey maamul xumada baahsan iyo cadaaladd darada ka jirta maamulka degmada xuddur, waxaa uu goaamiyey kala diris maamulka degmada Xuddur ee Gobokla Bakool” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Dhanka kale, waxaa la tilmaamay in si ku-meel-gaar ah xilka maamulka Xudur uu u sii hayn doono guddoomiyaha gobolka Bakool ilaa laga soo magacaabayo maamul cusub.
“Waxaa xilkii maamulka Degmada Xuddur si kumeel gaar ah u sii heyn doona intii maamul cusub looga soo magacabayo Guddoomiyaha Gobolka Bakool Mohamed Ahmed Mohamed” ayaa la siiraaciyey warka Koonfur Galbeed.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli maamulkii hore ee degmada Xuddur uu maanta si cad u taageeray dowladda federaalka Soomaaliya DFS, iyaga oo si adag uga hor yimid madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay ku sheegeen sida ay hadalka u dhigeen inuu yahay mid sharci darrada ah ku jooga Koonfur Galbeed, mowqif cadna ka qaateen. Maamulka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin dastuurka dalka ee dhowaan uu ansixiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HBN ONILINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed