Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la qabanayo doorasho loo dhan yahay, iyadoo musharaxiinta iyo muwaadiniinta daneynaya ka qeybgalka doorashada loogu baaqay inay si xor ah uga soo qeyb galaan.
War kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in dhammaan muwaadiniinta Koonfur Galbeed, meel kasta oo ay joogaan, ay fursad u leeyihiin inay ka qeyb qaataan doorashada, ha noqoto tan Baarlamaanka ama doorashada madaxweynaha.
“Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ku baaqaysaa muwaadiniinta meel walba oo ay joogaan, kuwa doonaya inay ka qeyb qaataan doorashada, inay si xor ah uga soo qeyb galaan, saaxaduna waa furan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Maamulka ayaa sidoo kale caddeeyay in Koonfur Galbeed gogol u fidinayso musharaxiinta, isla markaana si rasmi ah u dammaanad qaadayso sida hadalka loo dhigay ammaankooda iyo ilaalintooda inta ay ku sugan yihiin goobaha doorashada.
Dhanka kale, waxaa la faray musharaxiinta imaanaya in aysan la iman karin deegaanada koonfur Galbeed hub aan sharciyeysnayn, iyadoo maamulka uu mar kale ku celiyay in ammaankooda si buuxda loo sugayo.
Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in musharaxiinta iyo dhammaan ka qeybgalayaasha doorashada si guud loo soo dhoweynayo, si loo xaqiijiyo doorasho loo dhan yahay oo nabad ah.
HBN ONLINE TV

