Koonfur Afrika oo dacwad hor oo xasuuq ku soo oogtay Israa’iil.

Dawlada Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in maalinimada beri oo Isniin ah ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, u gudbiso qoraal faahfaahsan oo ku aadan inay heshay caddeymo kale oo muujinaya in Israa’iil ay xasuuq ka geysanayso Falastiin, sida ay ilo diblomaasiyadeed u xaqiijiyeen wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Ilo diblomaasiyadeed oo dhanka Koonfur Afrika ah oo codsaday inaan magacooda la xusin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay Anadolu, in caddeymahan loo gudbin doono maxkamadda maalinta Isniinta ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Ronald Lamola ayaa u sheegay warbaahinta in macluumaadkan uu ka kooban yahay cadeymo dheeraad ah oo faah-faahin dheeri ah bixinaya, si loo muujiyo in tani aysan ahayn oo kaliya kiis balse dhab ahaantii ah xasuuq.

Warbixintu waxay sheegaysaa in marka macluumaadka la xareeyo, Israaiil ay tahay in ay soo gudbiso muddo 28 maalmood gudahood jawaabta eedeymaha iyo caddeymaha cusub ee ka dhanka ah .

Koonfur Afrika ayaa dacwadda xasuuqa ka dhanka ah Israa’iil u gudbisay maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada “The Hague” dabayaaqadii sannadkii 2023-kii, iyadoo sheegtay in Israa’iil oo duqeyn ku haysa Gaza tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay, ay ku guul-darraysatay inay ilaaliso ballan-qaadkeedii ku aaddanaa heshiisyada ka hortagga xasuuqa ee la saxiixay sanadkii 1948-dii.

Dhowr waddan, oo ay ku jiraan Turkiga, Nicaragua, Falastiin, Spain, Mexico, Libya, iyo Colombia ayaa ku biiray kiiska oo la bilaabay dhageysigiisa bishii Janaayo ee sanadkan.

Maxkamadda ICJ ayaa bishii May ee sanadkan ku amartay Israa’iil in ay joojiso duullaanka ay ku hayso magaalada Rafah ee koonfurta Qaza. Waxay ahayd markii saddexaad ee 15-ka xubnood ee garsoorayaasha ah ay soo saaraan amarro horudhac ah oo ay ku doonayaan in lagu xakameeyo tirada dhimashada iyo in la yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta deegaanka go’doonsan ee Qaza, halkaas oo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 44,000 oo ruux.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed