Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda los oo gaabiyo KCNA, ayaa tabisay in hogaamiye Kim Jong Un, uu si cad u sheegay in tignoolajiyada xakamaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka iyo sirdoonka caqliga sameyska ahi ay tahay in la geliyo mudnaanta koowaad ee horumarinta hubka casriga ah ee dalkiisa.
Sida ay sheegtay KCNA, Kim ayaa sidoo kale kormeeray diyaarado lagu casriyeeyay oo lagu qalabeeyay qalab wax baara, kuwaas oo awood u leh in ay ogaadaan bartilmaameedyada istiraatiijiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada cadowga ee berriga iyo badda.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in horumarinta unugyada drones-ka iyo tignoolajiyada sirdoonka ee macmalka ahi ay tahay in loo arko mudnaanta ugu sareysa, islamarkaana la hormariyo, iyadoo lagu darayo casriyeynta ciidamada.
Sidoo kale, Kim wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo barnaamij qaran oo si iswaafaqsan u qorsheysan oo muddo dheer soconaya, si Kuuriyada Waqooyi ay hoggaan uga noqoto horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsanayo dhanka milatariga.
Kuuriyada Waqooyi ayaa kordhisay dadaalladeeda ku aaddan horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo u muuqata in ay qayb ka tahay iskaashi militari oo sii xoogeystay oo ay la leedahay Ruushka sannadkii la soo dhaafay.
Ciidamada Kuuriyada Waqooyi oo la rumeysan yahay inay ka qeybgaleen dagaalka Ruushka ee Ukraine, ayaa la sheegay inay dagaallada uga faa’iideysteen isticmaalka diyaaradaha drones-ka, taasoo u ogolaatay in ay horumariyaan xirfadohooda dagaalka.
Kim ayaa marar badan ku celceliyay in dalkiisu uu noqday awood Nuklayr ah, islamarkaana uu sii xoojin doono horumarinta iyo ballaarinta hubkiisa ciidan.
HBN ONLINE TV