Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa mar kale mudeeysay dhageysiga dacwad ciqaabeed culus oo ay eedeysayaal ka yihiin saddex qof oo lagu tuhunsan yahay dilkii naxdinta lahaa ee hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo lagu dilay 9-kii Oktoobar 2025 deegaanka Qaayiib ee gobolka Galgaduud.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Cabdi Cusmaan Cabdullaahi, Ayuub Maxamed Cabdi, iyo Galad Axmed Xuseen, kuwaas oo dhammaantood lagu eedeeyay in ay si ula kac ah u dileen hooyo iyo carruurteedii saddexda ahayd — balse aan lagu cadeyn fal dambiyeedka.
Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Maxkamadda Racfaanka Galgaduud ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda la qaban doono fadhi kale bishan, iyadoo hadda ay maxkamaddu u gudubtay wareegii shanaad ee kiiskan. Maxkamaddu waxay amartay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan xafiiska Xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanayaasha, inay u diyaar garoobaan dhageysiga dacwadda oo la qorsheeyay in la qabto 12-ka bishaan Noofambar 2025, saacadda 9:00 subaxnimo.
Kiiskan oo horey u soo maray maxkamadda darajada hoose ah ayaa markii hore lagu xukumay seddexda eedeysane xabsi u dhexeeya 3 sano ilaa 5 sano, taas oo keentay caro iyo muran xooggan oo ka dhex dhashay bulshada, maadaama ay dad badani u arkayeen in xukunkaasi uusan la jaanqaadayn culayska dambiga la galay.
Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud, ayaa si dhow ula socota kiiskan oo noqday mid kamid ah dacwadaha ugu culus ee dhawaanahan ka yaalla maxkamadaha dalka.
Waxaa la filayaa in go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamaddu ku dhawaaqdo maalmaha soo socda, marka la soo gabagabeeyo dhageysiga iyo qiimeynta caddaymaha cusub ee la horkeenayo garsoorka.
HBN ONLINE TV

