Warar horac oo soo baxay ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo sababay in la hakiyo fadhiyada qaar ee baarlamaanka, iyada oo xili xasaasi ah uu ku jira dalka.
Kulamada Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa la filayaa in ay dib u bilowdaan si loo sii wado howlaha badan ee horyaalada xidlhibaannada, taasi oo ay ugu horeyso dagaalka Alshabaab iyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in xaaladda hadda dalka uu jiro loo baahan yahay in si isku duubni ah lagu wajaho, taasi oo baarlamaanka dalku horseed u yahay, maaddaama wadanka uu dhexda uga jira xaalado is biirsaday.
Waxaa uu intaasi ku daray Xidlhibaan Maxamed in wadanka siyaaasadiisa dhamaan saameyn lagu leeyahay iyo dhaqaalahiisa, taasi oo kaga imaaneysa wadamo shisheeye oo siyaabo dadban saameyn ugu yeeshay qaybaha kala duwan ee xafiisyada Dowaladda.
“Wadan amnigiisa saameyn lagu leeyahay, siyaasadiisa saameyn lagu leeyahay, dhaqaalihiisa inta ugu badan uu kab yahay, waa iska dareemi kartaa” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.
Waxaa uu intaasi ku daray in saameynta wadamada dariska ee dowlad dhiska dalka qaybta ka ahaa, welina ciidamadoodii joogaan ay tahay mid culeys ku keeneysa gobonimada iyo madaxbanaanida wadanka.
Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa geesta kale sheegtay in suurtagal tahay in waxa khilaafka soo ifbixiyey ee baarlamaanka ay ka mid yihiin arimahaasi sida uu hadalka u dhigay.
“marka in saameyn kugu yeelan karaan dadka siyaasinyiinta, xildhibaannaduna ay ka mid yihiin waa wax iska suurtagala oo dhici kara” ayuu yiri.
Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya, ka dib markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay xidlhibaannada Soomaaliya, kaasi oo sababay in qaar ay ku doodaan in Ciidamada masar dalka la keenin, iyada oo bedelkeeda door biday sida hadalka ay u dhigeen in dalka sii joogaan Ciidamada Itoobiya oo qayb ka mid ah dalka jooga.
HBN ONLINE TV

