Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyey khilaafka ka dhashay is afgaradkii Somaliland ee la xiriiray badda, iyada oo kulamo farsamo ay sii socon doonaan.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa garwadeen ka ahaa wada hadallo gooni gooni ah oo uu la yeeshay labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
War murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba meesha laga saaray is afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya.
Itoobiya sida oo kale sheegtay inay ixtiraamayso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.
Warmurtiyeedka heshiiskan hordhaca ah ayaa dhigaya in Bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2025 la filayo in la bilaabo wada hadallo farsamo oo xiriir la leh sidii loo xoojin lahaa heshiisyada la gaarey, kuwaas oo socon doona muddo bilooyin ah.
Arrimaha laga wada hadli doono waxaa ka mid ah sidii Itoobiya u isticmaali laheyd badda Soomaaliya si ganacsi, iyadoo meesha laga saaray in Itoobiya saldhig ciidan ku yeelato xeebaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV